Dubai – Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in duqeymaha ka dhanka ah waddamada Gacanka Carabta la soo afjari doono, haddii aan hawadooda iyo saldhigyada Mareykanka loo isticmaalin weerarada liddi ku ah Iiraan.
Hadalkan ayaa imanaya toddobaad kadib markii dagaal ballaaran uu ka qarxay gobolka. Colaaddan ayaa bilaabatay kaddib weerar cirka ah oo dhacay 28-kii Febraayo, kaas oo Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan, laguna dilay hoggaamiyihii sare ee dalkaas, Ayatollah Cali Khamenei.
Tan iyo xilligaas, Iiraan ayaa weerarro jawaab ah ku qaaday qaar ka mid ah waddamada Khaliijka oo Mareykanku ku leeyahay saldhigyo milatari.
Pezeshkian ayaa sheegay inuu ka cudur-daaranayo dalalka deriska ah ee ay gantaalladu ku dhaceen, isaga oo yiri: “Anigoo magacayga ku hadlaya, waxaan raalli-gelin ka bixinayaa dalalka deriska ee ay Iiraan weerarradu ku dhaceen.”
Si kastaba, saacado ka hor hadalkan, gantaallo iyo diyaarado daroon ah ayaa lagu weeraray goobo muhiim ah oo ku yaalla Khaliijka.
Duqeymaha Iiraan ayaa lala beegsaday kaabayaasha tamarta ee guud ahaan Khaliijka, halka weerarada Israa’iil ay beegsadeen xarumaha keydka shidaalka ee gudaha Iiraan.
Mowjado cusub oo duqeymo Iiraani ah ayaa Axaddii ku dhuftay Khaliijka, iyadoo waddamo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qadar, Baxreyn, iyo Kuweyt ay dhammaantood soo sheegeen weeraro.
Sacuudiga ayaa sheegay inay soo rideen 15 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones), halka duqeymo ka dhacay Baxreyn ay “khasaare hantiyeed” gaarsiiyeen warshad muhiim ah oo sifeysa biyaha badda.
Weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday waddamada Khaliijka ayaa u muuqda kuwa iftiiminaya khilaaf ka dhex jira madaxda Iiraan, arrintaas oo ka hor imaanaysa hadallo uu Sabtidii jeediyay madaxweyne Masoud Pezeshkian.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Iiraan ayaa diiday dalabka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo ku baaqay in Iiraan “si aan shuruud lahayn isu dhiibto.” Pezeshkian ayaa sheegay in arrintaas ay tahay “riyo ay la geli doonaan qabriga.”
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya jahawareer ka jira hoggaanka Iiraan. Afhayeenka ciidamada dalka, Abolfazl Shekarchi ayaa sheegay in Iiraan aysan weerarin dalal aan u oggolaan Mareykanka inuu ka soo duulo si uu weerar ugu qaado Iiraan.
Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa sheegay in duqeymo ka xooggan kuwii hore ay soo socdaan, xilli weli Tehran ay gantaallo u qeybinayso dalalka Khaliijka iyo Israa’iil.
Maamulka Madaxweyne Trump ayaa ansixiyay heshiis hub oo cusub oo qiimihiisu yahay $151 milyan oo lagu taageerayo Israa’iil, iyadoo saraakiisha Mareykanka ay sheegeen in weerarro aad u ballaaran ay dhici karaan maalmaha soo socda.




