spot_img
HomeRa'yiAamusnaantu Waa Dambi: Dastuurka iyo Siyaasadda Maanta ee Soomaaliya.

Aamusnaantu Waa Dambi: Dastuurka iyo Siyaasadda Maanta ee Soomaaliya.

W/Q: Xildhibaan Abdi Shire Jama

Soomaaliya maanta waxay wajahaysaa su’aalo adag oo ku saabsan sida loo maamulayo dalka iyo sida loo fasirayo dastuurka. Muddooyinkii la soo dhaafay, dawladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay waday wax ka beddel iyo dhameystir lagu sameynayo dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa, iyadoo ku andacooneysay in dastuurkaas marka la dhameystiro uu dhaqan geli doono maamulka ka dambeeya kan hadda jira.

Intii ay socotay doodda dastuurka, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu si cad u sheegay marar badan in dastuurka marka la dhameystiro uu dhaqan geli doono dawladda ka dambeysa tan hadda jirta. Hadalkaas waxaa lagu baahiyay warbaahinta kala duwan, wuxuuna noqday ballan siyaasadeed oo la hor dhigay shacabka Soomaaliyeed, si loo muujiyo in dastuurka cusub uusan saameyn doonin muddada dawladda hadda jirta.

Hase yeeshee, hadda waxaa soo ifbaxeysa, maadaama uu madaxweynuhu saxiixay dastuurkii dhinac keliya lagu dhameystiray, in uu dhaqan galayo dastuurkaas hadda, gaar ahaan qodob dhigaya in Baarlamaanka iyo hay’adaha dawladda, oo ay madaxtooyadu ka mid tahay, ay sii joogayaan hal sano oo dheeraad ah. Arrintan ayaa dhalisay dood xooggan, maadaama ay u muuqato mid ka hor imanaysa kitaabkii lagu dhaariyay madaxda dawladda, kaas oo ku salaysnaa dastuurkii 2012, kuna qeexayay in muddada xilka dawladda iyo baarlamaankuba ay tahay muddada ku cad dastuurkaas oo iyaga lagu soo doortay.

Sidoo kale, inkasta oo la sheegay in dastuurka la soo dhameystiray, haddana weli ma noqon mid lagu heshiiyay oo ay si wadajir ah u wada aqbaleen dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka. Maamulo badan oo ka tirsan dowlad-goboleedyada iyo qaybo ka mid ah daneeyayaasha siyaasadda ayaa si cad uga biya diiday qaabka iyo habraaca loo maray dhameystirka dastuurka, iyaga oo ku dooday in uu noqday mid ay hal koox siyaasadeed samaysatay, halkii uu ka noqon lahaa heshiis qaran oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada.

Dal weli la tacaalaya amni darro, abaaro, khilaaf siyaasadeed iyo caqabado dhaqaale wuxuu u baahan yahay hoggaan ku dhisan kalsooni iyo wada-tashi. Marka arrimaha ugu waaweyn ee dawladda sida dastuurka ay noqdaan kuwo muran badan dhaliya, waxaa sii adkaanaysa in la dhiso nidaam siyaasadeed oo ay bulshada ku wada kalsoon tahay.

Ugu dambeyn, aamusnaanta marka ay timaaddo arrimaha masiiriga ah ee dalka ma aha dhexdhexaadnimo ee waa dayacaad. Aamusnaantu waa dambi laga galo qaranka, sababtoo ah waxay dhalisaa in go’aanno waaweyn ay gaaraan kooxo dano gaar ah leh iyadoo aan jirin isla xisaabtan iyo dood furan. Waxay sidoo kale u adeegtaa fulayada is abaabulay ee kooxeysan, kuwaas oo dano gaar ah ku ilaalinaya awood ay ka helayaan taageero shisheeye.

Qaran kastaa wuxuu ku dhismaa feejignaan, hadal iyo isla xisaabtan. Marka bulshada, aqoonyahanka iyo warbaahintu ay ka gaabsadaan ka hadalka arrimaha waaweyn ee taabanaya dastuurka iyo dawladda, waxaa sii xoogeysanaya nidaam aan ku dhisnayn heshiis qaran iyo rabitaanka shacabka. Taariikhdu waxay mar walba xustaa kuwii hadla marka xaqa la weeciyo, balse sidoo kale waxay xustaa kuwa aamusay marka ay ahayd in ay hadlaan.

- Advertisement -

spot_img

Worldwide News, Local News in London, Tips & Tricks

spot_img

- Advertisement -