spot_img
HomeFarmaajo oo cambaareeyey xarriga loo geysanaayo bajaajleyda

Farmaajo oo cambaareeyey xarriga loo geysanaayo bajaajleyda

Muqsidho – Ciidamada Booliska gobolka Banadir ayaa handadaad iyo xabsi iugu darey darawalada ku shaqeysta Bajaajka markii ay ka caroodeen sicir bararka ku yimid shiidaalka. Xabsiga waxaa la dhigay Sacdiyo Macallin Cali (Sacdiyo Bajaaj) oo kamid ah dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka ee ka howlgala magaalada Muqdisho, taas oo maalmahan kasoo muuqatay baraha bulshada, iyada oo dhaleeceyneyso dowladda Soomaaliya.

Xariga gabadha iyo dhalinyarada waxaa cambaareeyey Madaxwynihii hore Maxamed C/llahi Farmaajo iyo isbaheysiga mucaardka oo wax laga xumaado ku tilmaamay danbiga ay dowladda kula kaceyso dhalinyarada xoogooda maala, ahna canshuur bixiyaal, ayna xabsiga ugu taxaabayaan maxaad ugu hadasheen sicir bararka shiidaalka.

Farmmajo ayaa war saxaafadeed ka soo saarey tacadiyada loo geysanaayo dhalinyarada wuxuuna qorey sidaan “Waxaan si adag u cambaaraynayaa tacaddiyada iyo xarigga loo geystay gaadiidlayda bajaajka magaalada Muqdisho, xilli ay maanta si nabad ah u soo bandhigayeen cabashadooda ku aaddan sicir-bararka iyo duruufaha nololeed ee ay la halgamayaan.”

“Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminay dalkooda, kuna shaqeynaya duruufaha adag, waxa ay mudan yihiin garab istaag iyo in laga dulqaado culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan, sidaas awgeed waxaan ku adkaynaynaa Dowladda in ay ka waantowdo dhaqannada ay caadaysatay ee cabburinta, xadgudubka iyo xarigga kuwaas oo ay kaga jawaabto tabashada bulshada.”

“Sidoo kale, Dowladda waxaan ugu baaqaynaa in degdeg loo sii daayo dhallinyaradaas u istaagay xuquuqdooda aasaasiga ah, taas oo ay u dammaanad qaadayaan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka, annaga oo ku dhiirri galinayna dhallinyarada Soomaaliyeed in aysan ka niyad jabin hammigooda iyo aamminaadda dalkooda.”

Booliska magaalada Muqdisho, ayaa wado dadaalo uu ku cabsi galinaayo shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay dhumiyeen kalsoonida shacabka, shacabka ayaa bilihii la soo dhaafey ka cabanaayey sicir barar ku yimid raashinka iyo nolosha oo aad ku adkaatey dadka danyarta ah. Hadana waxaa ugu darantey sicir barar ku yimid shiidaalka maadaama ay dagaalo ka socdaan barriga dhexe oo u dhaxeeya Iran iyo Israel/Mareykanka. Dagaalkaas ayaa saameeyey shiidaalka aduunka.

- Advertisement -

spot_img

Worldwide News, Local News in London, Tips & Tricks

spot_img

- Advertisement -