MUQDISHO — Warbixin cusub oo laga soo saaray xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa muujinaysa digniin naxdin leh, iyadoo lagu sheegay in illaa 7 milyan oo qof ay hadda wajahayaan baahi ba’an iyo gaajo khatar ah. Xaaladdan ayaa ka sii dartay ka dib markii ay is-biirsadeen dhowr arrimood oo ay ugu horreeyaan abaaraha daba-dheeraaday, colaadaha ka socda qaybo ka mid ah dalka, iyo hoos u dhac weyn oo ku yimid deeqaha caalamiga ah.
Sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka iyo kuwa dawladda, dadka ugu badan ee ay saameyntu ku habsatay waa kuwa ku nool miyiga iyo xeryaha barakacayaasha, halkaas oo ay ku yar yihiin adeegyada aasaasiga ah sida biyaha nadiifka ah iyo cuntada. Hoos u dhaca ku yimid dhaqaalaha gargaarka ee ay bixin jireen deeq-bixiyeyaasha caalamka ayaa sababay in la yareeyo raashinkii la siin jiray kumanaan qoys, taas oo keentay in nafaqo-darro ba’an ay soo wajahdo carruurta iyo haweenka.
Guddoomiyaasha gobollada iyo mas’uuliyiinta Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa ku baaqay in si degdeg ah loogu soo gurmado dadkaas ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin. Waxay hoosta ka xariiqeen in haddii aan la helin taageero caalami ah oo xooggan, ay macaluul ka dillaaci karto deegaanno badan oo dalka ka mid ah.




