Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Nuqulka Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ah midka lagu muransanyahey oo ay ansixiyeen tiro asaga daacad u ah iyo kuwa lacag qaayey. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Dib u eegista Dastuurka.
Madaxweyne Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Madasha saxiixa Dastuurka ee Qasriga Madaxtooyada ayaa tilmaamay in maanta wixii ka dambeeya ay dowladdu billaabayso dhaqan galinta Dastuurka cusub ee dalka, kaasi oo uu xusay in uu saldhig u noqonayo xoojinta hay’adaha dowladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Xasan Sheekh ayaa isku day sameenaayo ku doonayo in uu muddo kororsi sameeysto asagoo xukuumadiisa ay oga hartey in ka yar sadax bilood. Shacabka Soomaaliyeed ayaa kahor yimid damaca Xasan Sheekh wax ka badalka dastuurka heshiiska lagu ahaa burburkii dowladda dhexe dabadeed. Sidoo kale mucaaradka ayaa si weyn oga soo horjeeda dastuurka uu Xasan Sheekh kaligiis qortey oo uu ku doonaayo in uu xukunka ku sii joogo.
Maalmihii ugu danbeeyey ayaa mucaardka uga digaayeen saxiixa uu maanta sameeyey, waxayna ugu digeen in wadanka dib loo celin oo dagaal sokeeye ka dhicin magaalada Muqdisho. Laakiin Xasan Sheekh hadalka mucaaradka ma dhageysan, ee tiisa ayuu ka sii watey oo aheyd wax ka badalka dastuurka oo uu ku qortey wax kasta oo asaga dan ugu jirta.




