spot_img
HomeWarka DalkaLabada Madaxweyne hore oo ka tashtey sidii loo wajihi...

Labada Madaxweyne hore oo ka tashtey sidii loo wajihi lahaa May 15, 2026

Muqdisho  – Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka wada-hadlay xaaladda cakiran ee uu dalku galay, iyo sidii xal loogu heli lahaa marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya, maadaama ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka gudaha ee ka taagan dalka.

Ilo wareedyo goojoog ka ahaa ayaa sheegay in kulanka labada madaxweyne lagu soo qaaday xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadday dowladda iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, kuwaas oo abuuray xaalad kale oo siyaasadeed.

Sido kale waxay isla soo qaadeen sida loo wajihi karo arrintan loona aadi lahaa doorasho guud oo waqtigeeda ku dhacda, marka la gaaro 15-ka May. Xasan Sheekh ayaa diidey talo kasto ay labada madaxweyne usoo jeediyeen oo ah in uu talada siyaasada dhexda dhigo, laguna xaliyo caqabad kasta wada ogal.

Is aragga labada madaxweyne ayaa sidoo kale kusoo aadayo, xilli Arbacadii lasoo dhaafay labada Gole ee Baarlamaanka ansixiyeen wax ka beddelka dastuurka dalka, iyada oo kadib guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu ku dhawaaqay in Baarlamaanka uu ku darsaday muddo-kororsi hal sano ah.

Si kastaba, siyaasiyiinta mucaaradka ee Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo Puntland ayaa qaadacay in ay oggolaadaan in dastuurka cusub uu dhaqan galo, waxayna tani keeneysaa xaalad siyaasadeed oo horleh iyo dalka inuu galo qalalaase siyaasadeed, marka la’eego sida ay wax ku socdaan.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeyn doono natiijada, maadaama madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo go’aankiisa, mucaaradkana ay lasoo taagan yihiin diidmo adag.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka, waxaana sii dheer xaalad kale oo ka dhalatay abaaraha ka jira dalkeenna.

- Advertisement -

spot_img

Worldwide News, Local News in London, Tips & Tricks

spot_img

- Advertisement -