spot_img
HomeWarka DalkaDowladda Shiinaha ayaa ku deeqdey $2 million abaaraha Soomaaliya

Dowladda Shiinaha ayaa ku deeqdey $2 million abaaraha Soomaaliya

Muqdisho (HOL) — Dawladda Shiinaha ayaa ugu deeqday lacag caddaan ah oo dhan $2 milyan iyo gargaar raashin ah bulshooyinka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha, Wang Yu, uu xirmadan gargaarka ah ku wareejiyay Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ah guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA).

Deeqdan ayaa timid xilli Soomaaliya ay wajaheyso xaalad bini’aadantinimo oo sii xumaanaysa. Ku dhawaad 6.5 milyan oo qof ayaa la saadaalinayaa inay la kulmi doonaan cunto yari heerkeedu gaarsiisan yahay xasarad ama ka sii daran marka la gaaro dhammaadka bishan Maarso, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee kala saaridda heerarka sugnaanta cuntada (IPC) oo ay wadajir u soo saareen dawladda federaalka iyo hay’adaha QM. Isla qiimeyntaas ayaa ka digaysa in 1.84 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay 5 sano ay la kulmi doonaan nafaqo-darro ba’an sanadka 2026, iyadoo ku dhawaad 500,000 oo ka mid ahna ay halis ugu jiraan nafaqo-darro aad u daran.

Safiir Wang ayaa sheegay in Beijing ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada gargaarka abaaraha iyo u diyaargarowga musiibooyinka.

“Shiinuhu wuxuu sii wadi doonaa inuu garab istaago dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dhinac ee ka jawaabista arrimaha bini’aadantinimada iyo horumarinta bulshada.

Guddoomiye Cabdulle ayaa sheegay in gargaarkan loo qoondeeyay 72 degmo oo ay abaaruhu saameeyeen guud ahaan dalka, kuwaas oo 45 ka mid ah ay hadda ku jiraan xaalad degdeg ah oo lagu dhawaaqay.

Wuxuu sheegay in mudnaanta la siin doono kooxaha ugu nugul, oo ay ka mid yihiin carruurta, haweenka iyo qoysaska dakhligoodu hooseeyo, si loo badbaadiyo nafta loona yareeyo saameynta xaaladaha qalalan ee daba dheeraaday.

Soomaaliya ayaa la daalaa-dhaceysa xilliyo roobaad oo is xigxiga oo baaqday, taasoo ay sii dheer tahay colaado iyo hoos u dhac ku yimid maalgelintii caalamiga ahayd. Xataa haddii roobabka soo socda ay u da’aan si dhexdhexaad ah, mas’uuliyiintu waxay ka digayaan in 5.5 milyan oo qof ay u badan tahay inay ku sii jiri doonaan xaalad xasarad ah ama ka sii daran dambeeya sanadkan.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegaya in kasoo kabashada abaaraha isdaba-joogga ah ay qaadan doonto waqti, iyadoo noloshii xoolo-dhaqatada ay burburtay, ilaha biyahuna ay gureen, halka qiimaha cuntaduna uu kor u kacayo meelo badan.

- Advertisement -

spot_img

Worldwide News, Local News in London, Tips & Tricks

spot_img

- Advertisement -