spot_img
HomeFarmaajo oo ka horyimid dastuurka Xasan Sheekh samaystay

Farmaajo oo ka horyimid dastuurka Xasan Sheekh samaystay

Mogadishu – Madaxweynihii hore Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa warsaxaafadeed uu soo saarey kaga horyimid dastuurka uu sameystey Xasan Sheekh. Dastuurka uu qortay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sababey in shacabka Soomaaliyeed ka horyimaadaan ayna adagtahey sidii uu ku dhaqan galin lahaa.

Xasan Sheekh ayaa labo bill oga harsantahey muddo xileedkiisa, dastuurka uu qorteyna waxaa ku jira qodob uu mudo kororsi samaystay. Sidoo kale waxaa aad oga soo horjeedo musharaxiinta madaxweyne iyo maamul goboleedyada, kuligoodna waxay oga digeen in uusan qoran dastuurkaan maadaama maamul goboleedyada qaar maqanyihiin oo aysan qeyb ka aheen.

Farmaajo ayaa sidan qorey “Tallaabada uu qaaday Madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaanayo Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan saxiixa dastuurka uu samaystay waxa ay xoojinaysaa khatarta ku gadaaman dowladnimada dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.”

“Mowqifka dowlad goboleedyada ee ku saabsan laalista dastuurka dalka, xildhibaannada labada aqal ee qaaddacay fadhiyada Dastuurka oo metalaya bulsho badan iyo Madaxdii iyo mas’uuliyiintii hore oo wadajir uga soo horjeeda hannaanka loo maray, waxa ay dhammaan arrimahani muujinayaan in aanu jirin heshiis bulsho iyo mid siyaasadeed oo sharciyad siinaya tallaabadan.”

“Saxiixa sharci darrada ah ee maanta uu sameeyey Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka soo horjeedaa hab-raarcyada uu qeexayo dastuurka ku-meel-gaarka, waxa uuna kala gaynayaa ummadda Soomaaliyeed, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa in uu kusoo laabto jidka heshiiska lagu yahay, muddada kooban ee u dhimanna uu ku qabto doorasho loo dhanyahay oo waqtigeeda ku qabsoonta, kuna salaysan hab-raacyada iyo shuruucda la isla oggolyahay.”

Qoraalkaan ayaa ah mud si adag u qoran, kana tarjumaayo dareenka shabaka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

spot_img

Worldwide News, Local News in London, Tips & Tricks

spot_img

- Advertisement -