Muqdisho – Madasha Samatabixinta Mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta warqad ay soo saareen ku cadeeyey in ay ka horyimaadeen muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda kadib tallaabadii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku saxiixay dastuurka cusub ee ay horay usoo meel-mariyeen xildhibaannada labada Gole oo ka tirsan xisbigiisa iyo kuwa lacagta uu siiyey.
Warsaxaafadeed uu soo saaray golaha ayaa waxaa lagu sheegay in ay u hoggaansanyihiin dastuurkii 2012-kii isla markaana xil-haynta madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku eg-tahay 15-ka bisha May 2026, halka Baarlamaankana uu muddo xileedkiisa ku ekaan doonto 14-ka bisha April ee sanadkan, haddii xiligaas ay dhaafaanna ay ku joogaan sharci darro.
“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka waantoobaan muddo kororsiga, kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta xiisad siyaasadeed iyo mid amni taasoo dhaawici karta xasilloonida dalka iyo geeddi-socodka dowlad dhiska”. ayaa lagu yiri bayaanka.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Waddada saxda ah ee looga gudbi karo marxaladdan waa ixtiraamka dastuurka iyo heshiis laga gaaro doorashooyinka”.
Sidoo kale, wuxuu Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ka digay in dalka uu dib ugu laabto dagaal, gaar ahaan wixii dhacay doorasooyinkii hore ee sababay in isku hor imaadyo hubeysan ee ka dhacaan gudaha magaalada Muqdisho.
“Waa in cashar laga barto wixii dhacay sanadkii 2021-kii uu khilaaf ka dhashay muddo kororsiga uu sababay in ciidamada ammaanka ay isaga horyimaadaan caasimada, taas oo dalka gelisay xaalad khatar ah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dhanka kale, golaha ayaa baaq u diray madaxda dowlad-goboleedyada kala ah HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxayna ugu baaqeen inay qabtaan doorashooyinkooda, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkooda.
Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeyn doono natiijada, maadaama madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo go’aankiisa, mucaaradkana ay lasoo taagan yihiin diidmo adag.
Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, waxaana sii dheer xaalad kale oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira dalka.




